wadanku si uu dhaqaalahiisa kor ugu qaado waxaa loo baahan yahay inuu qaado talaabooyin is biirsaday oo istaraatiiji ah.
halkaan waxaa ku qeexi doonaa qaar kamida dariiqooyinka muhiimka ah.
1. hormarinta waxbarashada iyo aqoonta
in la helo nidaam waxbarasho oo tayo leh si dhalinyarada iyo dadka waaweynba ay u helaan xirfado iyo aqoon u sahleysa iney shaqeeyaan ama ganacsi sameeyaan.
xoojinta xirfada farsamada
(technical and vocational training)
2. maalgashiga kaabayasha dhaqaalaha
dhismaha wadooyinka, dekadaha,
garoomo diyaaradeed, iyo is gaarsiinta si fudu loogo kala gooshi karo
badeecada iyo adeegyada.
horumarinta tamarta iyo biyaha si loo xoojiyo warshadeynta.
3. taageerada ganacsiga iyo warshadaha
kicinta ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (SMEs) oo badanaa ah laf dhabarta dhaqaalaha.
abuurista jawi ganacsi oo xasiloon, sharciyeysan oo hufan
si ganacsatadu ay u hormariyaan maalgashiga
4. kor u qaadida dhoofinta (EXPORT)
dayac tirka wax soosaarka gudaha
sida beeraha, kalluumeysiga, iyo warshadaha si loo kordhiyo alaabta la dhoofiyo
abuurista suuqyo cusub oo caalami ah.
5. horumarinta beeraleeyda iyo deeganka miyiga
in lasiiyo beeraleeyda tababaro, qalab, iyo deeyn la fududeeyay si ay u kordhiyaan
wax soosaarka.
saameeynta suuqyo gudaha ah si beeraleyda ay ugu iib geeyaan dalagooda si toos ah
6. la-dagaallanka musuqmaasuqa
xoojinta hay'adaha dowladeed si ay si hufan oo daahfuran u shaqeeyaan.
sugidda xukunka sharciga (rule of law)
si lagu kasbado kalsoonida dadweynaha iyo maalgashadayasha.
7. maalgashi shisheeye(foreign investment)
abuurista xeerar maalgashi oo cad oo ilaaliya danaha maalgashadayaasha iyo qaranka.
dheerrigalinta fursado maalgashi oo gaar ah sida tamarta, dalxiiska, iyo tiknoolajiyada.